Dhageyso:-Taliska Taraafikada G/Banaadir oo ku guulestay amar uu soo saaray

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada,Cali bare Xersi Cali Gaab,ayaa ka hadlay talaabadii ay u qaadeen Go’aankii ay horay u soo saareen oo ahaa in Wadada Maka Al-Mukarama Hareeraheeda aan la dhigan karin Gawaarida Yar yar oo nooca raaxada ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ay mudo Todobaad ah sameeyen howlgal lagula dagaalamayay arintaas islamarkaana inta badan ay u hirgaleen amaradii ay soo saareen ee ahaa in Wadada Hareeraheeda aan la dhigan karin Gaadiidka yar yar sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray in marnaba uu aqbali doonin in ilaa Sadax Baabuur la dhigto Wadada islamarkaana laga xiro Bulshada kale ee isticmaaleysa cidii ku dhaqaaqdana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Sikastaba Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u amray in aan Wadada Maka Al-Mukarama aan la dhigan karin wax Gaadiid ah iyo in Gawaarida Amisom aysan mari karin Wadada Maka AlMukarama taas oo aan weli dhaqangelin waxana xusid mudan in shalay mid kamid ah Gaadiidka Amisom uu dab ka kacay xili uu marayay agagaarka KM,4 ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Cali Gaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media