Dhageyso:-Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ku hanjabay in ay bilaabayaan qorsho ka dhan ah Al-Shabaab

Afhayeenka Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ciise oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in marwalba ay Al-Shabaab ay ku dhaqaaqaan falal lidi ku ah dhanka amniga kuwaas oo awoodooda ay iska yartahay sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay haatan u diyaarsan yihiin howlgal ka dhan ah Al-Shabaab isaga oo arrimahaas ka hadlayay ayaa waxa uu yiri.

“Insha Allaah qarax ay jid ku gubaan iyo rasaas yar ay ku furaan gawaarida Shaqadeena uma joogsaneynso waxana noo balan ah in jidwalba ay galaan aan Al-Shabaab uga dabageli doono ilaa aan mgaalooyinka dhan aan ka saarno ayuu yiri Maxamed Ciise Afhayeenka Ciidamada ee Shabeellaha Hoose”

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeena

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media