Dhageyso:-Somaaliland oo diiday lacago loogu talo galay Abaarta deegaanadeeda ka jira

Maamulka Somaaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Guddiga Gurmadka abaaraha Somaaliya kaas oo ahaa in Maamulada ka jira dalka oo ay Soamaliland qeyb ka tahay siin doonaan lacag dhan (laba Boqol oo kun)oo Dollar si wax looga qabto abaaraha ka jira Gobolada Soomaaliya .

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa sheegay in ay lacagtaas ay u diideen amar ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Somaaliland kaas oo ah in lacagtaas loo isticmaalayo qaab siyaasadeysan.

Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray Wasiirka in haatan abaartii ka jirtay Gobolada Somaaliland ay sii yaraatay islamarkaana Somaaliland ay ku filan tahay Caawinta dadkeeda sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda Maamulka Somaaliland ayaa iyagu isku arka in Somaaliya inteeda kale ay ka go’aan,waxana dhowr mar sidaan oo kale ay u diideen lacago ay Beesha Caalamka ay u soo marsiisay Madaxdii ka horeysay dowladda Somaaliya ee hada jirta.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media