Dhageyso:-Sideedii Xildhibaan ay Maxkamada Sare laashay Maxaa caqabad ka dhalankara

Dhawaan Maxkamada Sare ee dalka waxa ay soo gudbisay liiska 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ay sheegtay in dib loogu laabanayo doorashadooda kadib markii dacwooyin badan ay ka timid taasi ayana geentay in ay ka hadlaan qar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Ugaas Salaad Ugaas Maxamed Rooble oo kamid ah ee soo xulay Odayaashii soo doortay Sanadii 2016,kii Xildhibaanada Baarlamaanka Soamaliya oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in ay arintaan ad uga xun yihiin islamarkaana caqabad hor leh ay ka dhalan karto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii doorashada Sideeda Xildhibaan dib loogu laabto ay waxyaabo badan isasoo furi doonaan taas oo iyana keeni karta in dhamaan Xildhibaanada labada Aqal la sheego in doorashadooda lagu laabto.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in aysan macquul noqoneyn in Xildhibaankii ay iyagu soo doorteen islamarkaana dadkiisa ay jecel yihiin in haatan la sheego in doorashadiisa lagu laabto.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Madaxda Maxkamada Sare in arintaan ay dib uga laabtan islamarkaana iyagu ay ku qanacsan yihiin xilka ay u hayaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media