Dhageyso:- Sideedii Kursi ay Maxkamada Sare laashay kadib maxaa dhacaya

Caasha Xaaji cilmi oo horay uga mid aheyd mudayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta saxaaafda Shir Jaraa’id ugu qabatay Magaalada muqdisho ayaa ka hadashay Sda ay u aragto sidee Xildhibaan oo ay Maxkaamda Sare ee dalka laashay doorashadoodii islamarkaana sheegtay in lagu celinaayo taas oo mid kamid ah ay iyada uu kula tartamayay Xubinimada.

Casha ayaa sheegtay in Go’aankii ay soo sartay Maxkamada Sare uu daba joogo Go’aankii ay horay u soo saareenb xalinta khilaafadka kaas oo ay ku laaleen doorashada 11 xildhibaan kuwaas oo sixaqdaro ah loo siyaasadeyay.

Waxa ay sheegtay in markii taasi ay dhacday islamarkaana doorashadii ay geli lahaayeen la duudsiiyay ayaa waxa ay bilaabeen in ay dacwo gudbiyaan si ay u helaan xaqoooda,waxana Maxkamada Sare baaritaano dheer ah ay sameysay kadib ay ku soo saartay go’aankaas.

Waxa ay sheegtay in marka la gaaro doorashada Sideeda Xildhibaan loo baahan yahay in ay u tartamaan rag ama dad aan la dabajoogin oo aan dacwo ka imaan islamarkaana xaquuqu uu leeyahay qof muwaadin ah aan la duudsiin karin.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media