Dhageyso:-Shir looga hadlayo Maamulida Hawada Soomaliya oo ka furmaya dalka Canada

Dhawaan ayaa la filayaa in dalka Canada uu ka furmo Shir looga hadlayo Maamulka Hawada Soomaaliya kaas oo ay ka qeybgeli doonaan Madaxda ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Arimaha  Hawada.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Oomaar ayaa sheegay in shirkaas uu ka furmi doono Munturial  ee dalka Canada islamarkaana uu u dhaxeeyo Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qabilsan Maamulka Hawada.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajo ka qabaan inta uu shirkaas socdo ay guulo waaweyn ka soo hooyaan islamarkaana dowladda Soomaliya lagu wareejiyo Maamulida Hawada dalka Soomaaliya.

Tan iyo Bur burkii dalka ayaa waxaa weli Soomaaliya Gacanteeda ka maqan maamulida dhanka Hawada ah,waxana dowladda Soomaaliya ay dhowr mar ku dadaashay in ay u suurtagasho balse aaney ku guuleeysan.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media