Dhageyso:-Shir looga hadlayay Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Magaalada muqdisho waxaa Maanta ka furmay shirka ansixinta siyaasada Dhalinyarada Qaran ee dalka waxana Munaasabad lagu furayay ka qeyb galay ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.

Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed  ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya ayaa sheegay in n boqolkiiba todobaatan  iyo Shan ay Dhallinyaro yihiin  Siyaasadda dalkana ay tahay sidii dhalliyarada Soomaaliyeed Wax Badan loogu Qaban laha.

Wasiirka Dhalliyarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaba gabadii goobta ka hadashay ayaa sheegtay in talooyinka wanaagsan ee shirkan ka soo baxa la Uruurin doono  si loo jeheeyo siyaasadda Qaran ee  Dhalliyarada.

dhan ka kale waxaa goobta ka hadlay wasiirrad Dowlad Gobolleedyada dalka iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in siyaasadda Qaran loo helo Dhallinyarada Soomaaliyeed..

Hoos Ka Dhageyso Codadka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media