Dhageyso:-Shariif Xasan”Ciidamada dowladda waa in ay Jawaab Deg Deg ah bixiyaan

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya Shariif Xasan sheekh Aadan oo Maanta Saxafada kula hadlayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka hadlay dagaalada saacadihii la soo dhaafay ka dahacay qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose.

Shariif Xasan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka loo geestay dadka Shacabka ah ee ku nool Tuulooyin hoostaga degmada lambar Konton kuwaas oo Guryahooda ay Gubeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab uuna cambaareynayo sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Ciidamada Xoogga dalka Somaaliya in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dhacdooyinkii ka dhacay dagaalkii ka dhacay deegaano hoostaga degmada lambar konton.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah tuulooyin badan lagu gubay waxa uu ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada lambar konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda Somaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media