Dhageyso:-Shan Haween ah oo kamid noqday Gudoomiyaasha Cusub ee G/Banaadir

Waregto ka soo baxday Wasarada Arimaha Gudaha Somaaliya ayaa Caawa xilkii looga qaaday 15 Degmo oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir Gudoomiyayaashooda isagoo magacaab Gudoomiyaal Cusub.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaanir ayaa waxa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Gudoomiyaasha 14 degmo lana magacaabay kuwii bedeli lahaa.

Gudoomiyaasha la magacaabay ayaa waxaa ku jira 5 Haween ah,iyadoona isbedelkaan uu sameeyay Gudoomiyaha aysan saameyn degmooyinka Hurwaa, iyo Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.

Akhriso Magacyada Dumar Gudoomiyaasha Cusub ee Gobolka Banaadir

1:Gudoomiyaha Degmada Waabari Rowdo C/llahi

2: Gudoomiyaha Degmada Boondheere Zainab Yuusuf Wehliye

3:Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Zainab Maxamuud Warasame

4: Gudoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale

5: Gudoomiyaha Degmada Shangaani Basmo Cumar Axmed

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Akhrinaya Wareegtada ka soo baxday Wasaarada Arimaha Gudaha Somaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareegtada