Dhageyso:-Shacabka Muqdisho oo ka hadlay sida ay u arkaan Khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka jira

Iyada oo weli Xiisad Siyaasadeed oo u dhaxeysa Maamul goboleedyada qaar iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay dalka ayaa waxaa arrintaas sida ay u arkaan ka hadlay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Cabdi Naasir Yuusuf Socdaal oo soo maray goobo badan oo ka mid ah Muqdisho ayaa weeydiiyay sida ay u arkaan mowjadaha Siyaasadeed ee ka dhaxeya Madaxda dalka iyo kuwa Mamul goboleedyada kadib qaarkood ay la safteen Xulufada Sacuudiga.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaa waxa ay sheegeen in ay Go’aankasta oo Soomaaliyeed ay gaari karto dowladda Soomaaliya isla markaana Madaxda Maamul Goboleedyada laga doonayo in heshiisyada Caalamiga ah iyo Siyaasada Dibadda intaba ay dowladda uga dambeeyan.

Hoos Ka Dhageyso Qaar ka mid ah Aragtida Bulshada Muqdisho

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media