DHAGEYSO: Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo Sheegay inay Howlgallo ka Wadaan Gobolka Bakool

Wararka naga soo gaarayo gobolka Bakool, gaar ahaan nawaaxiga degmada Waajid ee gobolkaas ayaa ku waramaya inay howgallo ka wadaan ciidanka dowladda, kaasi oo ka dhan ah Alshabaab.

Mukhtaar Xassan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala Bakool ayaa Radio Dalsan u sheegay inay ciidamadu baaritaano xoogan ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka, islamarkaana ay duulaan ku yihiin Alshabaab.

Dhinacakale waxaa uu beeniyey sarkaalkan in Alshabaab shalay ay qabsadeen Waajid, oo uu sheegay inay joogaan ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media