Dhageyso:-Saameyntii uu reebay dagaalkii ka dhacay degmada Balcad oo weli ka taagan G/Shabeelaha dhexe

Maalintii labaad waxaa deegaano hoostaga degamda Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe booqday masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen laba Maleeshiyo Beeleed.

Masuuliyiintaas ayaa halkaasi ka qeybiyay Raashin kala duwan oo dadkii halkaasi horay uga barakacay balse ku soo laabtay loo qeybiyay gurmadkaas oo ay bixiyeen Guddiga Gurmadka abaaraha dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha maamulka degmada Balcad Cismaan Xaadoole,ayaa sheegay in deeqdaan ay Masuuliyiinta Maamulka hir-Shabeelle ay keeneen waqtigii loo baahnaa islamarkaana dadkaan ay ahaayeen dad musiibo ku dhacday islamarkaana Guryahoodii la gubay.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa isna sheegay in dadkaan ay ahaayeen dadkii hormuudka u ahaa dhanka wax soo saarka balse Maanta ay yiiin kuwo baahan taasna ay sababeen dagaaladii ka dhacay tuulooyinkii ay deganaayeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media