Dhageyso:-‘Saacid”Dadka ayaa ka hortagi kara amnidarada ka jirta Muqdisho

Taliyaha Ciidanka booliiska Somaaliya Cabdixakiin Daahir Siciid(Saacid) oo la hadlayay War-Baahinta ayaa ka dalbaday Shacbka Somaaliyeed in Ciidanka amniga ay kala shaqeeyaan Sugida dhanka amniga Caasimada.

Waxa uu sheegay in Shacabka looga baahan yahay in ay soo sheegaan hadii ay arkaan waxyaabo lidi ku ah dhanka amniga Sida,qaraxyada si ay iyaga u badbaadaan islamarkaana uusan khasaaro u geeysan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in bilihii u dambeysay ay sii kordheysay kalsoonida ay Shacabku ku qabaan Ciidamada iyo wada Shaqeynta dhexdooda ah taas oo sahli karta in uu amniga hagaago.

HadalkaTaliyaha ciidanka booliiska Somaaliya,ayaa ah mid aan ka duwaneyn hadalada ay inta badan sheegaan amdaxda dowladda Somaaliya taas oo aan waxba ka soo dhalaalin.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media