Dhageyso: RW Soomaaliya oo sheegay in la dilay dhamaan ragii weeraray Hotelka Maka Al Mukarama

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke oo Maanta Saxaafada Kula hadlay Xafiiskiisa ayaa Waxaa uu faahfaahin Ka bixiyay weerarkii Galinkii Dambe ee Shalay lagu Qaaday Hotelka Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sheegay in Hotelka Ay Soo Weerareen shan Dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab islamarkaana Dhamaantood la toogtay waa sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Waxaa uu intaasi raaciyay in dhawaan lasoo bandhigi doono magacyada raga weerarka geestay.

Shirka Jaraa’id ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Hotelka Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor