Dhageyso:- Ra’iisul Wasaaraha” Dhismaha Wadooyinka amniga ayay ka qeyb qaataan

Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali kheyre,ayaa Maanta dhagax dhigay Wadada Sodonka oo kamid ah Wadooyinka ugu muhiimsan ee ku yaalla Magaalada muqdisho, taas oo dayactir lagu sameynayo waxana Munaasabad dhagax dhiga Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Isagoo Goobta ka hadlayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu dhowr qodob u kala qaaday dhismaha Wadooyinka Muqdisho iyo kaalinta ay kaga jiraan Danaha Bulshada Somaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dhismaha Wadooyinka ay koow qeyb ka qaataan Bilicda Caasimada  fududeynta nolosha  dad weynaha iyo kaalinta ugu muhiimsan ee ah dhanka amniga.

Ra’iisul Wasaare Kheyre,ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu siweyn uga qeyb qaadan doono in dhamaan ladhiso Wadooyinka weli burbursan ee aan la dhisin kuwaas oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Somaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Caasimadda Dalka Somaaliya ee Magaalada Muqdisho ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo dhisi lahaa Wadooyinka Muqdisho ee ku burburay dagaaladii Sokeeye.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media