Dhageyso:-Rag ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Wasiirka  Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed,ayaa ka hadlay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo bilihii la soo dhaafay isku soo dhiibayay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in cafis loo fidiyay raga ka tirsan Al-Shabaab ay bilaawdeen dhalinyaro doonaya in ay dowladda isku soo dhiibaan ku waas oo si waanagsan loo soo dhaweeyay.

Wasiirka oo la hadlayay idaacadda Voa,da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa la weeydiiyay tirada ilaa iyo hada isku soo dhibay dowladda islamakaana ay gacanta ku heyso ayaa waxa uu sheegay in ay gaarayaan ilaa 50 dagaalyahan ku waas oo dhaqancelin loo sameyn doono sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka