Dhageyso:-Qodobadii loo cugsaday Xaalad deg deg ah ee Magaalada Burco la geliyay

Maamulka Gobolka togdheer ee Soomaaliland ayaa goordhow xaalad deg deg ah ku soo rogay Gobolkaas kadib kulan ay la qateen waxgaradka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool gobolkaasi togdheer kadib Xanuunka Shuban Biyoodka oo ku soo kordhay.

Kulan ayaa Maanta yeesheen Maamulka Gobolka iyo kan Magaalada Burco ayaa waxa ay ku Go’aamiyeen in la qaado talaabo looga hortagayo Cudurka iyo sidii Bulshada ay iskaga kaashan lahaayeen Caawinta dadka uu Cudurkaas hayo.

Sidoo kale Maamulka Gobolka iyo Bulshada ayaa dhamaan fasaxay Goobihii waxbarashada sida dugsiyada Quraanka iyo kan Maadiga intaba,waxaana la shaaciyay in cid walba oo soo galeysa gobolka Togdheer iyo Caasimada Burco baaritaan dhanka Caafimaadka ah lagu sameeyo.

Gudoomiyaha Magaalada burco ayaa War-Baahinta u akhriyay qodobadii la isku raacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media