Dhageyso:-Qodobadii ay Madaxda Puntland kala hadleen Wafdi Maanta gaaray M/Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa aqalka madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhalinyaradii aan qaan gaarka ahayn ee lagu qabtay dagaalka Puntland Alshabaab kula gashay deegaanada Togga Suuj iyo Garacad.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulanka kadib Saxaafada la hadlay ayaa faah faahiyay qodobadii ay isla garteen iyaga iyo Wafdiga waxa uuna sheegay in puntland ay dhaqancelin u sameeysay dhalinyaradii ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay qeybo kamid ah Gobolada Mudug  iyo Nugaal

Puntland ayaa horay xukun ugu riday rag ay sheegtay in ay ka tirsanaayen Al-Shabaab kuna qabteen dagaaladaas,waxana arintaasi walaac ka muujiyay  Midowga Yurub iyo Hay’addaha udooda Xauuqul insaanka.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media