Dhageyso:-Qodobada looga hadli doono Shir Maanta ka furmaya M/Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta maamul Goboleedka hir-Shabeelle waxaa Maanta ka furmi doona Shir u dhaxeeyo Wasiirada Arimaha gudaha dowlad Goboleedyada iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen Wasaaradaha Arimaha Gudaha dowlad Goboledyada iyo tan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhisida Dowladda Hoose ee dalka si Soomaaliya si dalka uga hirgasho doorasho qof iyo codkiisa.

Wasiirka War-faafinta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Radio Dalsan u sheegay in  dhamaan Madaxda Wasaarada Arimaha gudaha maamul goboleedyada ay ku sugan yihiin Magaalada jowhar marka laga reebo Maamulka puntland oo xooggaa Cudur daartay sida uu hadalka u dhigay.

Shirka ayaa socon doono mudo Sadax Maalmood ah waxaana la filayaa in gaba gabada Shirka laga soo saaro qodobo dhowr ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media