DHAGEYSO: Qaabka ay Xildhibaanada Kalsoonida u siiyeen Golaha Wasiirada (Warbixin)

Todobaad kadib markii ra’sul wasaaraha soomaaliya uu ku dhawaaqa golo xukuumadeed oo ka kooban 68 xubnood ayey maanta mudanayaashada baarlanka codka kalsonida u qaadeen.

Kulanka oo ay xaadireen 236 xildhibaan misna uu gudominayay Cabdiwali Muudeey gudomiyaha kuxigeenka 1aad ee baarlamanka ayaa ahaa mid xasaasi ah.

Xildhibaanada saluugsanaa hanaanka awood qeybsi ee xukuumada ayaa doodooda sal uga dhigay in xeer hoosaadka baarlanka uusan waafaqsaneen kulanka maanta sida uu qabay xildhibaan daahir amiin jeesow.

Xildhibaan Mahad Cabdal Cawad gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaka ayaa qiray dhankiisa  sugnanta sharci ee dooda jeesow.

Doodaas kadib ra’isu wasaare  Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamanka ka hor akhriyey barnaamijka siyaasadeed ee ay ku holgali doonta xukumada uu magacaaway waxuuna dalbaday ansixinta wasiirada cusub.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta ay sameeyeen xildhibaanada

Xukuumada maanta la ansixiyay oo 42 ka mid ah ay xildhibaano yihiin ayaa howlaheeda waxaa ugu muhiimsan amniga, abaaraha, la dagaalanaka, musuqa iyo adeegyada bulshada waana xukuumadii 2 aad ee tiradeedu intaas gaarto ku wii dalka so maray

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media