Dhageyso:-Puntland: “Waxaan Dilnay 18 ka tirsan Shabaab”

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dileen 18 ka tirsan  Al-Shabaab, islamarkaana ay burburiyeen saldhigyo ay leeyihiin  kadib hawlgal ka dhacay buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

Wasiirka amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab,oo la hadlay Warbaahinta in ragas lagu dilay howlgallo Culus oo ay Ciidamada Puntland ka sameeyeen Buuraha Calmadoow islamarkaana ay burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in ka sokoow dilka Ciidamada ka tirsan Al-Shabaab ay jiraan rag Maxaabiis ah oo ay iminka Gacanta ku hayaan.

Majiran Warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Wasiirka Amniga Puntland in ay dileen 18 ka tirsan  Al-Shabaab ayna hayaan Maxaabiis.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media