Dhageyso:-Puntland oo qaati laga taagan yahay Kufsiga loo geesto Haweenka

Wasaarad Cadaalada iyo arimaha Diinta Maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe waxa ay ku qabatay kulan looga hadlayay adaynta Xeerka kufasiga Puntland .

Kulan ayaa waxaa ka qaygalay Wasiirada Amniga Haweenka Cadaalada iyo Masuuliyiinta Maxkamadaha Xeer ilaalinta iyo Saraakiisha Ciimadamada Booliska Puntland .

Ugu horayn waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaalada  Puntland Maxamed Cali Faarax oo sharaxaad ka bixiyay waxa xiligaan keenay in la hadlay arimaha kufsiga iyo adkeenta  Xeer Ciqabeedka Kufsiyada ka dhaca Degaanada Puntland .

Dhamaan Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa isku raacay in la adkeeyo xadeynta Kufsiga islamarkaana meel looga soo wada jeesto dadka ku kacaya falka kufsiga ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media