Dhageyso:-Puntland oo ka hadashay qaraxyadii lagu qabtay Boosaaso

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay  Gaari waxyaabaha qarxa sidda oo ladoonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Puntland.

Ciidamada ayaa soo bandhigay Gaarigan oo sidda waxyaabaha qarxa, waxaana laga badbaadiyey Shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Boosaaso sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Puntland.

Shir Jaraa’id ayaa waxaa Maanta Magaalada Boosaaso siwadjir ah  ugu qabtay gudoomiyaha Gobolka Bari Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari yo Duqa degmada Boosaaso kuwaas oo dhamaantood ka hadlayay qaraxa.

Taliyaha Qeybta Booliiska Goblka Bari ayaa War-Baahinta u sheegay in qaraxyadaan loogu talo galay in lagu raro ilaa Sadax Gaari kuwas oo lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo Shacabka Magaalada Boosaaso.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Sidawadjirka ah ay u qabteen Gudoomiyaha Gobollka Bari Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari iyo iyo duqa Degmada Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media