Dhageyso: Puntland oo Dhaliishay Hay’adaha Samafalka

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey hay’adaha samafalka inaysan waxba ka qaban dhibaatada nololeed ee ka jirta degmada Buuhoolde iyo deegaanada ku dhow oo ay cudurka shubanka ugu geeriyoodeen dad badan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ku dhaliilay Samafalayaasha inay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ku nool Buuhoodle, oo uu tilmaamay inay ka mid tahay meelaha ugu daran ay dadka ugu dhinteen cudurka shubanka, waxaa uu ugu baaqay qurba joogta deegaanka inay usoo gurmadaan dadkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media