Dhageyso: odayaasha dhaqanka Baay oo dalbaday in la joojiyo dagaalada Shabeelaha Hoose

Odayaasha dhaqanka gobolka Baay oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay kaga hadleen dagaal beeleedyada ka jira Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afayeenka Golaha Dhaqanka Malaaqyada Koonfur galbeed Soomaaliya Axamed Yacquub Deerow ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in ay waxbadan ka qabtaan dagaal beeleedyada ka socda Gudaha Shabeelaha Hoose.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaal beeleedyoay ay ku geeriyoodeen dad u badan shacab oo aan waxba galabsan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor