Dhageyso:-Muwaadiniin laga soo tarxiilay Mareykanka oo soo gaaray M/Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cade ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo degtay Diyaarad siday dad Somaaliyeed oo dhawaan laga soo tarxiilay dalka Mareykanka kadib amarkii soo baxay Madaxweynaha dalkaasi Mareykanka donald trump.

Dadkaan ayaa waxa ay gaarayan ilaa 50 Ruux,waxaana Diyaaradii Maanta keentay Muqdisho ay ka soo duushay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Maalmahaan ay ku sugnaayeen.

Qaar kamid ah dadkaas ayaa waxay ay sheegeen in markii ay tagayeen dalka Mareykanka ay uga baxday lacag farabadan islamarkaana iyagoo aan weli sharci helin la soo musaafuriyay.

Sido kale waxa ay intaasi hadalkooda ku dareen in ay la socdeen laba Nin oo u dhashay dalka kenya kuwaas oo uga haray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Dadka la soo tarxiilay

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media