DHAGEYSO: Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Askari Ku Toogatay Baydhabo

Waxaa saakay markale maxakamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo ay xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed oo hore u dilay qof Shacab ah.

Cali Buurow Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu toogtay Baydhabo, kaasi oo horey maxkamadu ugu xakuntay dil toogasho ah, kadib dill uu ugeystay Marxuum Qaasim Cabdiyow Xaaji Keerow, wuxuuna sidookale dhaawacay laba wiil uu dhalay marxuumka, falkaas oo ka dhacay degmada Buurhakaba.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxakamada ciidanka ee Baydhabo Dhame Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in askarigaasi lagu helay fal dambiyeedkii lagu soo oogay, islamarkaana uu si bareer ah u dilay marxuum Qaasim Cabdiyow, allaha u naxariistee.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.