Dhageyso:-Maxbuuskii Sadaxaad oo ku dhex geeriyooday Xabsiga Magaalada Burco

Maxbuuskii Sadaxaad ayaa mudo 24 saac Gudahood ah ku dhex geeriyooday Xabsiga Magaalada Burco ee Gobolka togdheer deegaanada Maamulka Soamaliland.

Xabsiga ayaa la sheegay in uu ka dhex dilaacay Cudurka Shuban-biyoodka kaas oo gebi ahaanba faraba’an ku haya dadka ku jira Xabsiga Magaalada Burco,waxana lagu soo waramaaya in haatan 53 ruux oo kale ay cudurkaas la jiifaan.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Maamulka Soamaliland oo War-Baahinta la hadlay ayaa sheegay in xanuunkaan uu ka dhashay Roobkii saacadihii u dambeeyay ka da’yaya Magaalada burco,balse haatan la diyaariyay daawooyin si loo gaarsiiyo dadka ku xiran Xabsiga Magaalada Burco.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media