Dhageyso: Maxaa sababa israsaaseynta dhaxmarta ciidamada xili maanta ciidamo ay ku wada dagalamen Muqdisho

iyadoo maanta Muqdisho ay ku wada dagaalameen ciidamo Boolis ah iyo kuwo Militari ah isla mar’ahantana la shegay in isku dhacooda uu yimid kadib markii uu hoy uu ka daganaa Yaaqshid weerareen ciidamo Booliska ah sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya gaar’ahaan guutada 1-aad.

inta la xaqiijiyay 2-askari ayaa ku dhimatay iska hor’imaadkaas tiro kalana dhaawac ayaa soo garay.

dhanka kale xaley ayee ahed markii ciidamo Nabadsugida iyo kuwa loo yaqaan koofi-Gaduud isku rasaaseeyen af-afka hore ee xarrunta dowlada Hoose.

hadaba maxaa sababa israsaaseenta maxaase sharci ah ama talaabo ah oo laga qadayaa sarkalka iyo ciidamada uu wato ee sameeyay xadgudubka waxaa arimahaas wax ka weydiinay Sareeyo Guuto Cumar Maxamuud Cismaan oo kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya

Halkan hoose ka dhageyso codka