Dhageyso:-Masuuliyiinta Xisbiga WADANI,oo diiday xukunka lagu riday Masuuliyiintooda

Mauuliyiinta Xisbiga Mucaradka Somaaliland ee WADANI,ayaa k hadlay xukunkii lagu riday Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga kuwaas oo Maanta Mudo kadib Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Hargeysa islamarkaana Xukun lagu riday.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Xisbiga WADDANI oo Xukunka kadib War-Baahinta la hadlay ayaa sheegay in  xariga Halka sano ah ee lagu riday Yoonis ay ka qaadan doonaan Abiil isla markaana uu yahay mid cadaaladda baal marsan.

Waxa kaloo hadalkiisa intaas ku daray in xeer ilaalinta Somaliland ay sii ogayd go’aanka iyo xukunka ay maxkamaddu kasoo saartay,waxaana uu xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay in sharciga dalka la ilaaliyo isaga oo ku hanjabay in iyaguna ay ka talaabsan doonaan sharciga hadii aan la dhawrin sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media