Dhageyso: Masuuliyiinta Maamulka Puntland oo sheegay inay gacanta kusoo dhigi doonaan Ragii dilay Xildhibaan Saciid Dirir

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi C/Xakiin Cabdullaahi Cumar Cameey ayaa ka tacsiyeeyay Dilkii loo geestay Saciid Xuseen Nuur Dirir oo ka Tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland Waxaa uu Si Cad u sheegay in Raga Dilka Geestay Aan Laga Hari doonin islamarkaana uu Maamulkiisa Diyaar u Yahay Dagaal Ka Dhan ah Al Shabaab Waa Sida uu Yiri.

Dhinaca Kale Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland C/Xakiin Cabdullaahi Cumar Cameey ayaa dhankiisa Waxaa uu Tacsi u Diray Dhamaan Eheladii uu ka Baxay Xildhibaanka iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor