Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed geelle Ducaale(Xaaf) ayaa xalay ku hoyday degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud oo uu shalay gaaray,waxana uu Maanta kulamo Nabadeed la qaadan doonaa waxgaradka Magaalada Cabudwaaq.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf,ayaa inta kuu ku sugan yahay Cabduwaaq waxa uu Maanta dhagax dhigi doonaan Xabi ay yeelaneyso degmadaas kaas oo lagu xirayo cidii dembi gashaa ee ku nool degmada Cabudwaaq sida uu Warbaahinta u sheegay.
Madaxweyne Xaaf,ayaa sidoo kale sheegay in mudo 30,Maalmood gudahood uu Magaalada Cabudwaaq keeni doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi (Farmaajo).
Hoos Ka Dhageyso Codka