Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf “Anigu halkan waxaan u imid inaan dib u heshiisiin sameeyo iyo in aan odayeeyo

Hadalkaas ayuu ka sheegay khudbadiisii maanta ee caleema saarka waxa uu Sheegay in Ahlusunaha  waljamaaca waa dad walalahayo ah waa culimadayadii , ilaahow noo soo hadey , ilaahow na isu kaaya keen ayaan lee ahay.
Waxaa jira dad abaaruhu saameeyeen Galmudug , Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka iyagana waxaan ugu baaqaya in ay gacantooda ka geystaan dadka abaaruhu saameeyeen.
Ha nalaga caawiyo dhismayaasha iyo horumarinta sida xabsiyada , hada xabsiyo ma jiraan aan dad ku xirno , hadii aan amni iyo xabsi iyo booliis u helin waxba kama qaban karno , burcad badeed iyo alshabaabna waa noo joogaan.
xalay waxaa isoo wacay dhallinyaro Soomaaliyeed oo 118 ah oo Hindiya ku xiran, 8sano ayeey xiranyihin, fariintaasi waa idin sheegay wax ha laga qabto, aniguna diyaarada lagu soo qaadayo ayaan bixinaya .
Aad baan idinku mahadcelinayaa, kasoo qeybgalka iyo wax walbo, wakhtigu waa gaabanyahay , waxaan kusoo dhoweyn Madaxweynaha Soomaaliya”
Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media