DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ku Wajahan Degmada Afgooye

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa maanta inuu gaaro degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo lagu wado saacadaha soo socdo inuu booqdo madaxweyna.

Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa u xaqiijeyey Radio Dalsan booqashada madaxweynaha ee magaalada Afgooye, waxaana uu kormeeri doonaa xeryaha ciidanka, sida xerada laanta buure ee gobolka Sh/hoose.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo hakad la galiyey dhaqdhaqaaqa gadiidka, waxaana lagu arkayaa degmada Afgooye ciidamada dowladda oo xaqiijinaya amaanka, gaawaridana dib u celinaya, si loo hubiyo amaanka ka hor madaxweynaha inta uusan gaarin magaaladaas.

Mid ka mid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa Radio Dalsan u waramay, waxaana uu sheegay in gaadiidka la galiyey hakad oo eysan dhaafi karin ex control Afgooye.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media