DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo ku Dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Alshabaab (SAWIRRO)

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirad ee xukuumada, oo looga hadlay arimaha horyaala xukuumadda cusub ee u baahan wax ka qabashada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay marka hore qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow wasaaradda aminga gudaha, waxaana uu ka tacsiyadeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, isagoo kuwa ku dhaawacmay alle uga baryey inuu siiyo caafimaad deg deg ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay dhanka kale isbadalka lagu sameeyey Talisyada ciidamada, Millatariga, Boosliska, Nabad sugida  iyo xilka gudoomiyaha gobolka banaadir oo loo magacaanbay Taabit Cabdi Maxamed, waxaana uu sheegay madaxweynuhu inuu isbadalkan qeyb ka yahay dadaalka, iyo hormarka ay wado dowladiisa, kuna dadaali doonto, sidii ay ugu guulesan laheyd hormarka dalka.

Dhinacakale madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab, islamarkaana sheegay in ciidamadu ay u dhaqaaqi doonaan degaanada ay jooogaan shabaab, si looga saaro guud ahaan meelaha ay maamulaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media