DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Sababaha keenay Safaradii uu Galay

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarada uu ku aado dibada, oo uu kii ugu danbeeyey ku tagay dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in socdaalka uu ku aado wadamada kale ay keentay casuumaad uu ka helay wadamada saaxibada la’ah Soomaaliya oo uu tilmaamay in diyaaradaha qaada wafdiga madaxweynaha ay soo diraan, islamarkaana danaha dadka dalka arrimo la xariira uu u safro.

Intii uu ku jiray olalaha doorashada madaxweyne Farmaajo waxaa uu ballan qaaday inay yaraan doonaan safaradiisa, kana duwanaan doono madaxdii ka horeysay, hayeeshee tan iyo markii la doortay madaxweynuhu waxaa uu baxay ilaa 5 safar oo uu midkii ugu danbeeyey ku tagay Turkiga.

Halkaan hoose Ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media