DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Baarlamaanka

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xildhibaannada baarlamaanka ugu baaqay inay taageeraan dhismaha xukuumada cusub oo ay ansixiyaan, si looga faa’ideysto waqtiga horana loogu socdo waxqabadka laga sugayo dowladda cusub.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in wasiirada la magacaabay ay yihiin kuwo aqoon, Khibrad, iyo karti leh xilalka loo magacaabay, islamaarkaana loo baahanyahay inaysan is hor-taagin baarlamaanka oo uu ka codsaday inay meel mariyaan wasiirada cusub.

Halkaan  hoose ka dhageyso Codka.