DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo” Aniga Leyma Xiro Jidadka Muqdisho”

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa sheegay in aan loo xirin dhaqadhaqaaqa Muqdisho, Xilliyada uu ka baxayo madaxtooyada Villa soomaaliya, ama uu ka baxayo dalka oo uu tilmaamay in aysan jirin wado loo xiro Socdaalkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan safarkiisa Nairobi iyo kii uu ku tagay Sacuudiga markii la doortay kadib aan loo xirin wado, islamaarkaana dhaqdhaqaaqo uu yahay Caadi, oo aysan jirin wado loo xirayo isaga.

Dhinacakale madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladiisa ay wax u qaban doonto dadka shacabka ah ee dhibaatada kala kulma qaraxyada ee u baahan caafimaad dibada, si wax loogu qabto, dowladuna ay garab istaagi doonto dadkaasi

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media