Dhageyso:-Madaxweynaha Somaaliya oo sheegay in dowladda ay Cadaalada ka shaqeyn doonto

Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Somaaliya ayaa sheegay in dowladda Somaaliya ay ka shaqeyn doonto Cadaalad falida cid walba oo Somaali ah si looga fogaado qabyaalada dalkaan Somaaliya mudo farabadan lagu dhaqmayay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay ka go’aan tahay in ay soo celiyaan adeegyadii Bulshada sida Caafimaadka,waxbarashada furida wadooyin badan oo ku xirmay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay islamarkaana ay dowladda ilaaliso amaanadii loo dhiibtay sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Somaaliyeed meel walbo oo ay joogaan in ay taageero siiyaan dowladda Federaalka Somaliya  qofwalabana ay u hoggaansanto amarada ka soo baxa dowladda Federaalka Somaaliya.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabad lagu xusayay 15 May oo xalay lagu qabtay Xarunta dowladda hoose ee Xamar taas oo inta badan ay ka qeybgaleen madaxda Qaranka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media