Dhageyso:-Madaxweynaha Somaaliland oo baaq u diray Shacabka ku nool deeganada Somaaliland

Madaxweynaha Maamulka Somaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo War-Baahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa shaciyay in Sanadaan asyan dhici doonin Munaasabada 18 May oo mudo laba Maalin ah ay ka harsan tahay isagoo sababta soo bandhigay.

Mudane  Siilaanyo,ayaa sheegay in haatan deegaanada Maamulka Somaaliland ay weli ka jirto abaartii ku dhufatay taas bedelkeedana dhaqaalihii ku bixi lahaa ay u bedeleen in lagu caawiyo Shacabka abaartu saameeysay.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Ganacsatada iyo waliba cid kasta oo wax heysata haba ugu badnaadaanee dadka Qurba joogta ah in ay ka qeyb qaataan caawinta dadka abaaraha ay saameenta ku yeelatay.

Maamulka Soamaliland ayaa aaminsan in Somaaliya inteeda kale ay ka Go’een ayaa markii la gaaro 18 Bisha May waxa ay qabtaan dabaaldegyo ay ku xusayaan markii la aas aasay Maamulka Somaaliland.

Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Somaaliland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media