(Dhageyso):- Maamulka Warshiiq Oo Lagu Eedeeyay In Ay Musuq-Maasuqeen Gar-gaar.

Warshiiq(Radio Dalsan):- Xasan Khliif Foodeey Maxamuud oo ah Gudoomiyaha dadka baahiyaha kala duwan qaba ee deegaanka Ceelcade oo hoostaga dagmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa waxa uu eedeen ujeediyay masuulyiin ka tirsan maamulka dagmadaasi kuwaa oo ku eedeeyay in ay leexsadeen Gar-gaar loogu talagalay dadka baahiyaha kala duwan qaba ee ku dhaqan deegaanka Ceelcade

Xasan ayaa eedeentaas si’gaar ah ugu jeediyay gudoomiye kuxugeynka amniga iyo siyaasada dagmada Warshiiq Muriidi xasan Gurey oo uu’sheegay in uu musuq-maasuqay gar-gaarkii isla mar’ahaantaana ka iibsaday dad gaar ah waxuuna istaasi ku daray in ay maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka dacwad u’gudbiyeen laakiin eesan jir xid wax kaqabatay cabashadooda

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Xasan Khliif Foodeey

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor