DHAGEYSO: Maamulka Shabeellaha Hoose oo ka warbixiyey Qarax ay 20-Qof ku Dhinteen

Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyey Miino lakacday gaari Caasi oo marayey deegaanka Golweyn ee gobolkaas, kuna sii jeeday magaalada Marka.

Guddoomiyaha Aminga ee Shabeellaha hoose ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay lakacday gaarigaas, islamarkaana ay ku dhinteen Labaatan Qof, kuna dhaawacmeen, darawalkii gaariga iyo Seddex qof kale oo wadada marayey.

Guddoomiye Cali Nuux oo la hadlay Radio Dalsan waxaa uu tilmaamay in wadada qaruxu uu ka dhacay ay isticmaali jireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM ee ku sugan gobolka Shabeellah Hoose.

Hallkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media