DHAGEYSO: Maamulka Koonfur Galbeed oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Buur-hakaba 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxamaan Ibraahim Aadan ayaa maanta maamul cusub u magacaabay degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii degmadaas oo waxyelo dhaawac ka soo gaartay qarax ka dhacay Muqdisho oo uu markii danbe u geeriyooday.

Wasiir C/raxmaana ayaa guddoomiyaha cusub ee Buurhakaba u magacaabay Maxamed Ibraahim Nuur, waxaana sidookale uu magacaabay ku xigeenqdiisa siyaasada, amniga, maaliyada, arrimaha bulshada, iyo xogahaya degmadaasi oo la shaqeyn doona guddoomiyaha cusub.

Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa ahayd maamul la’aan tan iyo markii uu geeriyooday Allaha unxariistee guddoomiyihii degmadaas oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Halkaano hoose ka dhageyso Codka.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media