Dhageyso:-Maamulka Jubbaland oo baaq u diray Shacabka Magaalada Kismaayo

Iyada oo la shaaciyay in Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka jubbaland dhawaan markii ugu horeysay uu ka dhici doono Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa haatan Maamulka M/Kismaayo uu bilaabay diyaar garowga Shirkaas.

Shir ay siwadajir ah Magaalada Kismaayo ugu qabteen gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose iyo gudoomiyaha Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku sheegeen in Maalmaha ka harsan shirkaas ay bilaabi doonan howllo Nadaafadeed oo laga sameynayo gudaha Magaalada Kismayo si Bilicda ay u soo laabato.

Waxa ay ugu baaqeen Shacabka Magaalada Kismaayo in ay dhankooda siweyn uga qeyb qaataan sidii looga wada Shqeyn lahaa howllaha Nadaafada Magaalada Kismaayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka