Maanta waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle kaga dhawaaqay in ay is casileen ilaa 13 ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada maamulkaas,waxaana is casilaadaasi ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta Hir-Shabeelle.
Wasiirka warfaafinta Hirshabelle Mahad Xasan CIsmaan ayaa sheegay in aysan sharci ahayn iscasilaada ay gudbiyeen qaar kamid ah golaha wasiirada maadaama aysan qoraal u gudbin Madaxweynaha,
Waxa uu sheegay in marnaba maamulka Hir-Shabeelle uusan ogolaan doonin in qalalaaso iyo falal lidi ku ah dhanka amniga laga sameeyo Gudha Magaalada jowhar.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xili gelinkii dembe ee Maanta ilaa 72 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ay gudbiyeen Mooshin ay ka wadaan Madaxweyne Cosoble.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Hir-Shabeelle