Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dagaalada ka socda duleedka M/Baladweyne

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) ayaa ka hadlay xiisada colaadeeda ee beelo walaalo u dhexeysa kana taagan deegaan hoostaga magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan kadib Shir Jaraa’id uu maanta u qabtay War-fidiyeenada.

Cali Guudlaawe, ayaa labada dhinac ee xiisada dirirta u dhexeysa u jeediyay in ay aqbalaan in lawada hadlo dagaalkana lagu  dhameeyo gogol nabadeed si ay u yaraato khasaare ka dhasha dagaal mar kale dhaxmara beelaha walaalaha ah.

Tan iyo markii ay bilaabatay xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka hoostaga baladweyn ayaa wax garadka iyo Culuma-udiinka ayaa waxa ay jeedinayeen baaqyo  ku aadan in lagu dhameeyo xiisadan wada hadal nabadeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Guudlaawe

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media