Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle iyo Beeraleyda Balcad oo Heshiis kala saxiixday

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kulan wadatashi ah la qaatay beeraleyda degmada Balcad kaas oo ay kala hadlayeen sidii Maamulka Hir-Shabeelle Beeraleyda ay taageero u siin lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaarda Beeraha Maamulka hir-Shabeelle iyo sidoo kale inta badan beeraleyda degmada Balcad.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Balcad Cismaan Xaadoole, iyo wasiir ku xigeenka Wasaaarda Beeraha Maamulka hir-Shabeelle Maxamuud Xuseen (Gudbaaye) oo kulanka ka hadlay ayaa ka dalbaday Beeraleyda degmada Balcad in Maamulka degmada Balcad iyo kan hir-Shabeelle ay siiyaan taageero buuxa oo dhinac walbo ah,waxayna  beeraleyda u sheegeen in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin balse dhankooda laga doonayo taageero.
Cismaan Xaadoole,ayaa mar horay u soo noqday gudoomiyaha degmada Balcad,waxana xiligaas uu xilkiisa ku waayay dagaal uu la galay ciidamada booliiska Somaaliya balse haatan uu wado sidii uu u kasban lahaa Shacabka degmada Balcad, maadaama ay kala hadlayeen sidii Maamulka Hir-Shabeelle Beeraleyda ay taageero u siin lahaayeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media