Dhageyso:-Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo saaray amar ku socda Shacabka Baladweyne

Maamulka gobolka Hiiran ayaa amar ku bixiyay in ay si dhaqso ah looga guuro dadka degan Xaruntii hore ee Hanuuninta dadweynaha iyo Kubadda Baskidka gobolka Hiiraan oo ku taalla Magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in sideg deg ah looga baahn yahay in ay uga guuraan dadka degan Xaruntii hore ee Hanuuninta dadweynaha iyo Kubadda Baskidka gobolka Hiiraan,sidayactir loogu sameeyo.

Waxa uu shegay in ay dadkaasi fursad u heestaan mudo 5 maalin oo kaliya isaamarkaana hada la diyaariyay qalabkii lagu dhisi lahaa maadaama ay muhiim u tahay Bulsahda qeybahela duwan.

Cali Jeyte cusmaan gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu dhagac dhigayay Xaruntii hore ee Hanuuninta dadweynaha iyo Kubadda Baskidka gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne.

Hoos Ka Dhageyso codka gudoomiyaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media