Dhageyso: Maamulka gobolka Hiiraan oo ka jaawabay eedeyn ka timid gudmiyaha Baladweyn

Gudoomiyaha dhanka arimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo lahadlay idaacada Dalsan ayaa waxa uu ka jawaabay eeden ka timid gudoomiyaha magalada Baladweyn Maxamed Axmed Foodcade oo ku socotay masuuyiil uu isaga kamid ahaa kuwaa oo maanta qeebiyay raashiin ka dhashay fal boob ah iyo isrisaseen.

gudoomiyaha arimaha buslaha Hiiraan Sheekh Xuseen ayaa waxa uu qiray in latashila’aan iyo iska warqabad la’aan ay jirtay arimo jiro aawgeed wuxuuna wuxuuna sheegay in arinka ka dhacay xalkeeda haatan lagu jiro.

maanta ayaa waxaa Baladweyn ka dhacay isrisaaseeyn iyo boob lagula kacay raashiin la qeebonayay iyadoona halweyne ah ay ku dhaawacatay falkaasi .

gudoomiyaha maamulka Baladweyn wuxuu arinkaas ku eedeeyay masuuyiinta gobolka kuwaa uu sheegay in aysan maamulkood waxba la’socodsiin hooshii loogu talagalana ay iyaga qabteen.

Halkan hoose ka dhageyso codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media