Dhageyso:-Maamulka degmada Kaxda oo dalabday gurmad loo sameeyo dadka barakacayaasha ah

Maamulka Degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir ayaa ka hadlay xaalada dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmadaasi kadib roobkii dhawaan ka da’ay degmadaas kaas oo saameyn weyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Maxamed Macalin,ayaa Radio Dalsan u sheegay in xaalada dadka barakacayaasha ku nool degmada Kaxda ay aad u liidato islaamarkaana xerooyinka qaar ay taakuleyn aan buurneen ka helaan Maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Somaaliyeed iyo Ganacsatada intaba in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka barakacayasha ah, waxa uuna sidoo kale sheegay in dhankooda ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadkaas.

Degmada Kaxda ee gobolkaan Banaadir ayaa waxaa haatan ku nool boqolaal qoys oo kamid ah dadkii ka soo barakacay Gobolada dalka Somaaliya kadib abaartii ka dhacday walow haatan ay sii yaraaneyso.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media